Abwaan Macalin dhoodaan kalmadii uu ka jeediyay shirkii nabadda odayada dgaqanka ee Jigjiga 2003

  • 10 years ago
A program from Gelles Corner Archives : Part of meeting promoting peace , development and justice in the Somali region of Ethiopia , Jigjiga 2003 with the Somali legendary poet Abdullahi Moallim Dhoodaan RIB -
Hadal xikmad ku fadhiya oo uu allah ha u naxariisto abwaan Macalin Dhoodaan ka jeediyay shirkii nabadda ee ka dhacay magaalada Jigjiga oo la xiriiray safarkii nabadda ee aan ku tagay Jigjiga 2003.
Hadaladiisa waxaa waxaa ka mid ahaa :
Dadku wanaag buu wada doonayaa oo qof walba wuxuu isu haaystaa in uu dadaalayo , ka dagaalka wada wada wuu dadalayaa , kan nabadda wada wuu daddaalayaa , kan lacagta iyo qaaraanka aruurinaya wuu dadaalayaa, kan maamulka iyo xukuumadaha la shaqaynaya wuu dadaalayaa , laakin suaashu waxay tahay dadaalka sidee la isu waafajiyaa ??? iyo tixdan gaaban oo xikmad ku fadhida :'
Talo san iyo meel aayatiin loo tijaabinayo ,
dastuur iyo waxaa lagu dhaqaa marinka tooboon,
qof walba waxaa lagu toosiyaa takhasuskiisa ,
tartiib laguma karo markuu duul tiih ku yuururo ,
midda ay igu duqeeyaan waa sheeko taag daranee
turjubaan sideen kuugu hela tacab waakaas
talasan iyo beeraha loo tijaabiyaa
Suaal meel idiin taal oo taagan baa tan ah !
Jawaabteedii oo togan haddad garato soo tuura
Turqin, la helin taxliishiisa iyo boogo lala taaho , tawin iyo tuf dhiig roor ah iyo barar la tiiftiifaya
Wax tirtira iyo tuutuujin baad kula tacaashaa , kob la taabto ama la is tuso ayaad tab u dawaysaa
SIDEE LOO TADAAWILI KARAA TOOF CAQLIGA HAYSA ??? !!!

Recommended