December 2003, Jigjiga - A meeting with the traditional leaders of the Somali region in Ethiopia at Bade Hotel in Jigjiga

  • 11 years ago
A program from the Archives of Gelles Corner -
December 2003 M Gelle visits Jigjiga to deliver the message of a historic decision from the Ethiopian Somali Diaspora to promote sustainable peace and development in the region- after meetings among others with high level members of the federal government, the military and the cabinet of the Somali region, I meet the traditional leaders of the Somali region at Bade Hotel in Jigjiga- This program is a summary of that meeting.and the endorsement of the traditional leaders to promote peace and development in the region .

Waa barnaamij la xiriira halgankii nabadda ee bulshada deegaanka Somalida Itoobiya , shir ka dhacay Hotel Bade ee Jigjiga December 2003 oo uu Maxamed Gelle ugu gudbinayay Ugaasyada iyo Salaadiinta deegaanka go,aanka jaaliyadaha dibadda ee ahaa in ay wada jir uga shaqeeyaan, taageeraana halganka nabadda iyo horumarka deegaanka. halkaas oo ay go,aan ku wada qaateen waxgaradka deegaanka dibad iyo guduba in istraatijiyada nabaddu ay tahay tubta toosan oo ay umaddu himiladeeda ku gaari karto.

Waxaa shirka ka soo qaybgalay oo istratijiyadda nabadda taageeray dhammaan ugaasyada, saladiinta, garaadada deegaanka oo ay ka mid ahaayeen Ugaas Cabdullahi ugas Muxumed Ugas Xashi(AHU ), ugaas Cabdi Axmed Xashi ( AHU ), Suldaan Cabdiraxman Suldaan Duulane, Garaad Cabdi Axmed Garaad Maqtal ( AHU ), iyo qaar kale oo badan- waxaa shirka kalmad xikmad xambaarsan ka jeediyay abwaanka Somaliyeed Cabdullahi Macalin Dhoodaan ( AHU ).

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan asxaabtii ururka nabadda iyo horumarrinta ee u dhabar adeegay, kana mira dhaliyay halgankii nabadda iyo horumarka oo manta ay u aayeen mirihiisa dhammaan shucuubta deegaanka geeska Afrika. Halganka nabadda,horumarka iyo cadaaladda ma dhamaanin , mana dhamaado ee waa in halkaa la wadaa.

Recommended